DHAGAX-DHIGGA GEGIDA DIYAARADAHA LAASCAANOOD

DHAGAX-DHIGGA GEGIDA DIYAARADAHA LAASCAANOOD

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay gegida diyaaradaha ee caasimadda Laascaanood.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay goobta dhismaha gegida, waxaana ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska, Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale, oo sharaxaad ka bixiyey marxaladihii uu soo maray mashruucan iyo qorshaha wasaaradda ee ku aaddan horumarinta garoomada SSC-Khaatumo. Wasiirku wuxuu xusay in mashruuca lagu fulinayo dadaalka bulshada oo ku saleysan mabda’a isku-tashiga.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa uga mahadceliyey Guddiga Horumarinta Caasimadda dadaalka iyo hogaaminta mashruucan muhiimka ah. Waxa uu sidoo kale ammaanay shacabka SSC-Khaatumo, isagoo ku bogaadiyey kaalinta firfircoon ee ay ku leeyihiin horumarinta deegaankooda. Hoggaamiyuhu wuxuu ku adkeeyey in xukuumadda ay mudnaanta siinayso horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanka.

Mashruuca isku-tashiga bulshada ee gegida diyaaradaha Laascaanood ayaa ka mid ah guulihii ay bulshada SSC-Khaatumo hore uga gaareen dhismaha xarumo dawladeed iyo adeegyo dan guud oo muhiim ah, kuwaas oo kaalin weyn ka qaadanaya horumarinta deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.