Dhimashada qaraxyadii Maxaas oo gaartay 35 qof

Dhimashada labadii qarax ee shalay ka dhacay magaalada Maxaas ayaa gaartay 35 qof, halka dhaawuna uu yahay 40, sida uu wakaalada wararka ee Reuters uu u sheegay Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka booliiska maamul goboleedka Hirshabeelle.

Dadka ku dhintay qaraxyadan ayaa waxaa ka mid ahaa 10 qof oo isku qoys ahaa, sida uu VOA u sheegay Jaamac Maxamed Cali oo ka tirsan qoyska dhibku soo gaaray.

“Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka booliiska dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Weerarkii ka dhacay degmada Maxaas ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ay maleeshiyada Al-shabaan qaaddo tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleedka huwanta ah ay sannadkii hore bilaabeen inay Al-shabaab ka saaraan dhul ay muddo dheer gacanta ku hayeen.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan.

Sannadkii hore ayaa ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee Mawisleyda oo taageero ka helayay ciidamada Maraykanka iyo kuwa Midowga Afrika ay Al-shabaab ka saareen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.