Dhuusamareeb : Beelo ku dagaalamayay Galmudug oo la kala qaaday.

Dhuusamareeb : Beelo ku dagaalamayay Galmudug oo la kala qaaday.

Dhuusmareeb (Raxanreeb )- Wararka Raxanreeb uu ka helayo deegaano ka mid ah maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in lagu guulaystay kala qaadista laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamayay Galmudug.

Dadaal ay sameeyeen xubnaha maamulka Galmudug ayaa suurtagal ka dhigay in laga qaado dhinacyadaas oo ku hubaysan hub culus sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Ciidanka  dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa qaadey talaabadan,lagu daminaaya coladda ka alosan qaybo kamida Galmudug maamulka Galmudug.

Dagaaladan ayaa geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana sababay barakac ay sameyeen dadka deegaanka.

Dagaaladan u dhexeeya beelaha ood-wadaagta ah oo marar badan soo laalaabtey  ayaa waxaa ay isu hayaan dhul dawaaqsimeed,Culimo awdiinka,odayaasha iyo badiba labeenta Soomaaliyeed ayaa baaqyo xoogan,oo is daba jooga u direy,beeelaha ood-wadaagta aah dagaalamey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.