Muqdisho (Raxanreeb ) Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiya Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ula la dhacaya dhallinyaro ku cawaysanaysa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Goobta uu tagay Guddoomiye Madaalle oo ah meel sanado badan lagu cawayn jiray ayaa la sheegay in ujeedka ahayn in la suuliyo waxyaabo anshax ahayn bulshada u wanaagsanayn.
Waxaa la arkayay Guddoomiye Madaalle oo ka taagan askari boolis ah oo isaga garaacis kula dhaqaaqaya dhallinyarada taas oo ka dhalatay arrimo sharci ah
Fartuun Saqaawe Diin oo ah gabar dhallinyara ah oo ka falcelisay talaabada Madaalle ayaa barteeda Facebook ku qortay
‘’Haddii ay Soomaaliya tahay meel sharciga shaqeeyo saaka Maddaale warqad dacwo in ay u tagto ayaa waajib ahay’’
Si la mid ah Muno Axlaa oo ah gabar dhallinyara ah u Ololeysa xaquuqda Aadanaha ayaa sheegtay
‘’In dhalinyarada la garaaco go’aan shaqsi ma aha, mana aha go’aan maamul ‘’
Doodahan ayaa ayaa hareeyay baraha bulshada ay ku xiriirta dadka qaar ayaa ka xumaaday in muuqaallo laga duubo dhallinyaradaas oo ay ahayn in loo maro hab maamul.
Guddoomiyihii hore ee amniga gobolka Banaadir ayaa bartiisa Facebook ku qoray hadal u muuqday mid kaftan ah oo fasiraad kala duwana laga bixiyay .
Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo lagula dagaalamayo maan-dooriyaha, burcadda hubeysan & ciyaal-weerada dhibaatada ku haya shacabka caasimada.
Leave a Reply