FADEEXAD: Finland oo dalbatay in dib loogu celiyo lacag uu qaatay xafiiska RW Xamse

FADEEXAD: Finland oo dalbatay in dib loogu celiyo lacag uu qaatay xafiiska RW Xamse

Muqdisho (Raxanreeb ) Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland ayaa qorsheyneysa inay 50,000 oo Yuuro ka soo ceshato hay’adda Finn Church Aid (FCA) ka dib markii ay awoodi weyday inay xaqiijiso in dhaqaalahaasi, oo qeyb ahaan ku baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, si sax ah loo isticmaalay, wasaaradda ayaa sidaasi ku dhawaaqday Khamiistii 20 Abriil 2023.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ay doonayso in dib loogu soo celiyo lacagtaasi “maxaa yeelay ma suurta-gelin in la xaqiijiyo in dhaqaalahaasi loo isticmaalay si waafaqsan go’aanka dawladda Finland ee markii hore lagu bixiyay deeqda”.

Kharashka laga hadlayo ee 50,000 oo Yuuro waxaa bixisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland sannadkii 2021, waxaana loogu talagalay in lagu isticmaalo barnaamijka Nabadda, taas oo loogu talagalay in lagu horumariyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta qaranka ee Soomaaliya.

Mashruuca oo loo bixiyay ‘mideeye’ ayaa qeyb ka ahaa 4,500,000 (afar milyan iyo shan boqol kun Yuuro) oo ay dowladda Finland oggolaatay bishii Luulyo 2021, lana soo marsiiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya.

War saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland (booqo webka si toos ah)

Wasaaraddu waxay sheegtay in lacagtan ay ugu deeqday “sidii loo xoojin lahaa ka qaybgalka ballaaran ee shacabka Soomaaliyeed ay ku yeelanayaan wadatashiyada qaran, loogana hortagayo qalalaasaha siyaasadeed ee doorashada 2022 ka hor, hase yeeshee lama xaqiijin karo in dhaqaalahaasi loo adeegsaday arrintaas. ”

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo qaatay lacagta 

Sida laga soo xigtay shabakadeeda, Finn Church Aid (FCA), oo ah hay’ad hoostagta kaniisadda Finland, waa “Ururka gargaarka caalamiga ah ee ugu weyn Finland oo leh in ka badan 70 sano oo waayo-aragnimo ah.”

Hay’adda FCA waxaa la aas-aasay 1947-kii si uu isugu duwo deeqaha caalamiga ah ee Finland ay ka heli jirtay Mareykanka iyo Sweden ka dib dagaalkii labaad ee adduunka.

Lacagta 50,000 oo Yuuro ayaa qeyb ka ah lacag boqollaal kun gaareysa oo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu ka dalbaday hay’adda FCA. Sida ku cad warbixinta xisaab-xirka FCA ee mashruuceeda Soomaaliya, iyo qoraalo xiriir email oo ay is dhaafsadeen saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxa hay’adda FCA ee Soomaaliya, Ikali Karvinen kuwaasoo Kaab TV uu heley nuqullo ka mid ah.

Madaxa hay’adda FCA ee Soomaaliya, Ikali Karvinen.

Tusaale, FCA ayaa sheegeysa in sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha si ‘khiyaano ah’ uu ku soo dalbaday lacag dhan 59,000 doolar 1dii Febraayo 2021. Lacagtaasi ayaa qeyb ka ahayd heshiis fududeynta safarka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada intii uu socday shirkii wadatashiga qaran ee Dhuusamareeb.

Diyaarado loo kireynayo madaxda DF iyo dowlad gobolleedyada

Sida ay caddeyneyso warbixinta xisaab-xirka FCA (audit report), lacagaha ay bixisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland waxaa looga dan lahaa in lagu taageero dhinaca safarrada madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada shirkii wadatashiga qaran ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb bishii Febraayo 2021.

Shirka Wadatashiga Qaran ee ka dhacay Dhuusamareeb 3 – 4 Febraayo 2021.

“Taageerada safarka ee uu codsaday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa loogu talagalay in lagu fududeeyo safarka Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ay ku tagayeen Dhuusamareeb. Xafiiska Ra’isul Wasaaraha wuxuu sheegay in ay shan diyaaradood uu ka kiraystay shirkad safar, taasoo ku kacaysa USD 59,000. Dib-u-eegis lagu sameeyay dukumeentiyada kala iibsiga ayaa muujinaysa iswaafaq la’aan keenaysa shakiga ku saabsan ansaxnimada habka iyo in diyaarado dhab ahaantii la kireeyay,” ayey tiri warbixinta xisaab-xirka FCA oo Kaab TV uu heley nuqul ka mid ah.

Markhaatiyaasha baaritaanka

“Inkasta oo hal shirkad kaliya lala macaamilay oo uu jiray qiil dhanka waqtiga oo ciriiri ahaa iyo cabsida amniga, baaritaanka xisaabaadka wuxuu muujinayaa in dhammaan
hawlaha qandaraaska sida qiimeynta sicirka iyo qaan-sheegadka la fuliyay hal maalin gudaheed (1 Febraayo 2021) iyadoo dhammaan dukumeentiyada loo baahnaa la diyaariyay  isla maalintaas. Dhab ahaantii suurtagal ma’aha in hal maalin lagu dhameystiro waxaas oo dukuminti ah oo la xiriira kireynta shan diyaaradood hal maalin gudaheed,” ayey ku dartay warbixinta xisaab-xirka FCA.

“Markhaatiyaasha baarista xisaab-xirka ayaase caddeeyay inaysan jirin wax diyaarado ah oo la kiraystay, oo shirkad khayaali ah ayaa loo isticmaali jiray inay bixiso dukumentiyo been abuur ah (receiptsinvoicequotation) iyadoo ujeedku ahaa in si been abuur ah loo qaato kharashka ay bixineysay hay’adda FCA,” ayey caddeyneysaa warbixinta FCA.

Sidaasi si la mid ah ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland waxa ay sheegtay in ay musuqmaasuqa dhacay ay ku ogaatay warbixin hanti-dhawr gudaha ah oo ay samaysay hay’adda FCA.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland ayaa sheegtay in ay billowday baaritaan madax-bannaan oo lagu baarayo hawlaha hay’adda FCA si loo hubiyo in ay “qaaddo tallaabooyin ku filan oo lagu xoojinayo hababka maaraynta khataraha.”

Hay’adda FCA waxay qirtay in lacagtan ay maqan tahay, waxayna ballanqaaday inay bixineyso lacagta 50,000 Yuuro oo dib ay ugu celineyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland. Hase ahaatee, FCA ayaa iyaduna dhankeeda ka dalbatay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in loo soo celiyo lacagta ka maqan.

Source : Kaab TV

Leave a Reply

Your email address will not be published.