Doorashada kursiga HOP#086 oo la shaaciyay &  musharaxiinta kurisga oo diiday

Muqdisho (Raxanreeb ) Khilaaf ayaa ka dhashay war ka soo baxay Guddiga doorashooyinka KMG oo sheegay in magaalada Muqdisho lagu qabanayo doorashadaqabashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#086.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada kursiga lagu qaban doono magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkii ay ka dhici laheyd magaalada Baladweyne oo horey loogu doortay.

Sida lagu xusay Jawal  uu soo saaray Guddiga KMG doorashooyinka Kursigaan ayaa doorashadiisu waxa ay  dhici doontaa 25-bisha oo ku beegan maalinta sabtida ah.

Xubnaha u tartamaya kursigan oo ka jawaabay warqadda kasoo baxday guddiga  ayaa  sheegay in ay baalmarsan tahay sharciga sida ay hadalka u dhigeen, guddiga.

23 February 2023 ayaa Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ay soo saareen  in la diiwaan galiyo musharaxiinta ku baratameysa doorashada kursigaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.