Newyork (Raxanreeb ) Golaha amaanka ayaa dood furan waxa ay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya si gaar ah amaanka , howlgalada , arrimaha Bani’aadanimada iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin haweenka Soomaaliyeed.
Kulankan oo ahaa mid furan ayaa warbixin guud oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya loogu dhagaystay ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Anita Kiki Gbeho.
Anita Kiki Gbeho oo kulankan ka hadashay ayaa si faahfaahsan uga xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bini’aadantinimada ee Soomaaliya.
Mar Anita Kiki ka hadlays arrimaha ka taagan magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxa ay sheegtay in muhiim ay tahay in il gaar ah lagu hayo xaalada magaaladaas oo rabashadaha ka jira sabab u noqotay in dadka rayidka ah waxyeelo ba’an ay soo gaarto.
Dhanka kale Golaha amniga ayaa ugu baaqay Somaliland in ciidankeeda ay kala axmed
Golaha Amaanka sheegay in weerrada sii socda ee Al-Shabaab oo ay weheliso xaaladda bani’aadaminnimo ee daran, abaarta iyo hannaanka siyaasadeed ee caqabadaha wata ay sii kordhiyeen halista ilaalinta dadka soo barakacay.
Safiirrada dowladaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka sida Mareykanka ayaa iyana ka hadlay kulankan ay Golaha Ammaanku kaga hadlayeen xaaladda Soomaaliya.
Leave a Reply