Beledwayne : Dilal ka sii socda Beledwayne & fashil amni oo ka jira

Beledwayne : Dilal ka sii socda Beledwayne & fashil amni oo ka jira

Beledwayne (Raxanreeb ) Koox hubeeysan ayaa Xaafada Xaawo Taako gaar ahaan laanta Nuurxawaad ee Magaalada Baladweyne waxaa ay ku dileen Macalin dugsi quraan.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Mowliid Cali Cilmi Fareey waxaana uu ka mid ahaa Culuma-udiinka Magaalada Baladweyne.

Goobta dilka uu dhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan sida ay ku warameen dad halkaas ku sugan oo warbaahinta la hadlay.

Macalinka  la dilay ayaa dugsi lagu barto quraanka kariimka ku lahaa Xaafada Xaawo taako, waxaana maydkiisa  la geeyay isbitaalka Magaalada Baladweyne.

Saariisha amniga ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxdii weerarkan ka fulisay xaafada Xaawo- Taako ee Beledwayne halkaas oo marar badan ay ka dhaceen dilal qorshaysan.

Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa faraha ka baxay mudooyinkii dambe waxaana Magaalada ka dhacayay dilal isdaba joog ah iyo Bam gacmeedyo lagu weeraraa Xarumaha dowladda

Leave a Reply

Your email address will not be published.