Doorashada Puntland oo dhinac u dhici la’ & siyaasada oo is–rogrogaysa.

Doorashada Puntland oo dhinac u dhici la’ & siyaasada oo is–rogrogaysa.

Garoowe (Raxanreeb ) Garoowe oo ay ka jirto xasarad siyaasadeed oo ka dhalaatay  17da xildhibaan ee Puntland ay ka soo xuli jirtay deegaanada Sool iyo Sanaag , halkaas oo sanadkan ka jiri doono xildhibaano laga soo xulayo.

17-da xildhibaan ee Puntland ee dhanka Sool iyo Sanaag ayaa dhinac kale u jiheeyay doorashada maamulkaas oo markii horeba ay ka taagnayd muran siyaasadeed oo ka dhashay hanaanka doorashada.

Jahwareerka ka dhashay xubnahan xildhibaanada ayaa laga cabsi qabaa in dib ay u dhigto doorashada madaxtinimada , maadama wali dhinac u dhinac  waxa laga yeelayo xildhibaanada cusub.

Dhinacyo kala duwan oo siyaasiinta maamulka Puntland ayaa sheegay in ay taageerayaan go’aanka Khaatumo , ee la xiriira in aysan jiri doonin  xildhibaano laga xulayo deegaanadeeda.

Ololaha doorasho ee ka socda deegaanada maamul goboleedka Puntland ayaa saamayn waxa ay ku yeelatay xildhibaanadaas ka imaan jiray deegaanada hadda ay  maamusho Khaatumo.

Madaxwaynaha waqtiga uu ka sii dhamaanayo ayaa dhankisa mar arintan ka hadlay ayaa sheeay  inuu taageersan yahay go’aanka SSC Khaatumo taas oo yiri ‘’waa ixtiraamaynaa go’aanka walaalaheena ‘’

Siyaasiinta mucaaradka dhankooda ayay uga hadlaaan , hase ahaatee waxa keliya ee muuqanaya ayaa ah in tani dib ay u dhigi karto waqtiga doorasho sabab la xiriirta go’aan wali laga gaarin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.