Mandhera (Raxanreeb Online) Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay inay dileen 11 xubnood oo ay ku tilmaameen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, kadib howlgal amni oo laga fuliyay deegaanka xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Mandhera.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Kenya, howlgalka ayaa lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaal la sheegay inay qorsheynayeen weerar ka dhan ah deegaan ku yaalla xadka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in toddobo kale ay ku dhaawacmeen howlgalka, halka xubnihii ka badbaaday ay u baxsadeen dhanka Soomaaliya.
Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay goobta ka soo qabteen hub ay ku jiraan saddex qori oo nooca PKM ah iyo rasaas, iyagoo xusay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga xadka iyo ka hortagga weerarrada kooxaha hubeysan.
Dhanka kale, Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada ay soo saareen ciidamada Kenya, mana jiro war madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya khasaaraha ay Kenya sheegtay in Shabaab u geystay.

Leave a Reply