Dimishiq ( Raxanreeb Online) Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya iyo warbaahinta rasmiga ah ayaa sheegtay in qarax uu ka dhashay walax qarax ah oo lagu rakibay kafateeri ku taalla aagga Hejaz, oo u dhow Qasriga Caddaaladda ee magaalada Dimishiq, kaas oo sababay dhimashada 5 qof iyo dhaawaca tiro kale.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta, iyagoo sameeyay go’doomin amni, isla markaana bilaabay hawlgallo gurmad iyo daadgureyn caafimaad, waxayna sidoo kale fureen baaritaan ku saabsan dhacdada.
Sida uu sheegeen ilo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Suuriya oo la hadlay BBC News Arabic, ugu yaraan 5 qof ayaa dhintay halka 16 qof kalena ay dhaawacmeen, taasoo ah tirakoob hordhac ah oo ka soo baxay qarax ka dhacay kafateeri ku dhow Qasriga Caddaaladda ee bartamaha Dimishiq.
Warbixinno hordhac ah ayaa muujinaya in qarax xooggan uu gilgilay aaggaas, kaas oo sababay burbur hantiyeed oo soo gaaray kafateeriga iyo sidoo kale tiro dhismayaal kale oo deris la ahaa.

Leave a Reply