Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa Goordhaweyd Hotel Elite ee Muqdisho, ku soo bandhigtay hub fara badan oo ay sheegtay inuu lee yahay wasiirkii hore ee amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah mikiilaha hotelka.
Hubkan ayaa waxaa soo bandhigay taliska booliska Soomaaliya, oo waday howlgal 24 saac ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo sheegay in waqti badan ay hubka soo heleen gudaha Hotelka.
Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi, oo warbaahinta kula hadlay gudaha hotelka, ayaa sheegay in hubka ay soo bandhigeen ay kasoo sareen qol ku yaalla hotelka, isla markaana aysan waxba ka jirin in la jibiyay qolka, si hubka loo soo saaro.
Taliye Macalin Mahdi, ayaa carabka ku dhuftay in hubka isugu jiraan kuwa culus iyo fudud iyo rasaas fara badan oo dhammaantood hotelka yaalay sida uu hadalka u dhigay.
Asiga oo sii hadlay taliye Macalin Mahdi, ayaa hoosta ka xariiqay in hotel loogu tala-galay in dadka ay ku nastaan in hub intaas la eg uu dhex-yaallo, isla markaana amni darrada caasimada loogu shaqeeynayo.
Sidoo kale Macalin Mahdi, ayaa siyaasiyiinta ugu goodiyay in haddii ay hub soo qataan ay la kulmi doonaan cawaaqib xun sida uu hadalka u dhigay.
“Waa laidin jeybeynaya haddii aad hal qori soo qataan 10 qori ayaan soo qaadayneynaa, maxaa yeelay adinka ayaa qoray soo qaatay. Waa ayaan darro meel hotel ah oo dadka ka dhaxeeysa oo qurux iyo hanti la geliyay, haddana in hub la doonayo in lagu dumiyo dowladnimada Soomaaliya lagu keediyo” ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Leave a Reply