Tahriibayaal badan oo ku dhintay Badda u dhaxeeysa Libiya iyo Talyaaniga

Malta ( Raxanreeb Online) Sida ay baahisay warbaahinta Aljazeera in ka badan 10 qof oo tahriibayaal ah ayaa geeriyooday kaddib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Talyaaniga.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan 10 qof ee geeriyootay laga helay meydadkooda xeebaha dalka Talyaaniga, kaddib markii ay doonni kula qallibantay meel 83KM u jirta xeebta Malta.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in doon kalluumaysi lagu badbaadiyey 48 ruux iyada oo la xusay in Doonnida ay la socdeen 60 qof oo Soomaali tahriibeyaali ay ku jireen.

Badda u dhaxeeysa Libiya iyo Talyaaniga ayaa sannad walba laga diiwaan-geliyaa dhimashada tahriibayaal badan oo doonayay in ay garaan dalka Talyaaniga, isla markaana ay uga sii gudbaan dalalka Yurub, waxaana muhaajiriinta ay ka kala yimadaan dalalka Qaarada Afria iyo Aasiya , kuwaasi oo ka cararay sameeynta shaqo la’aanta iyo dhibaatada ka jirta qaarada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.