Dowladda oo ka hadashay kororka qiimaha shidaalka iyo farriin ay u dirtay ganacsatada

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xili qiimaha shidaalka uu sare kac ku yimid, isla markaana magaalada Muqdisho, ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday ganacsatada Soomaaliyeed, oo qiimo aan macquul aheyn ku daray qiimaha shidaalka, ayaa muddo kaddib waxaa arrintaas ka hadlay dowladda Soomaaliya Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdiwahaab Cabdi Caanuug, oo ka hadlay xaalada taagan ayaa sheegay in Soomaaliya %90 shidaalka ka keensato dibada gaar ahaan dalka Iran, balse waxa uu tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay culesyada ka jira caalamka ay saraan shacabka Soomaaliyeed.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya inaysan qiimaha lagu iibiyo ka badan dul saarin muwaadiniinta” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Xil. Caanuug.

Sidoo kale wasiir ku-xigeenka, ayaa carabka ku dhuftay in kulamada ay la yesheen ganacsatada Soomaaliyeed ay la wadageen in dhankooda ay culees ka heysto helitaanka shidaalka, maadama dagaal uu ka socdo bariga dhexe, hayeeshe wasiir ku-xigeenka Batroolka, ayaa tilmaamay in ganacsatada ka codsadeen in ay u dhimriyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sikastaba, sara kaca ku yimid qiimaha shidaalka magaalada Muqdisho, ayaa aad loo dareemay iyada oo qiimaha gaadiidka dadweynaha lagu kordhiyay lacago dheeraad, taasi oo ay dhankooda ay cabasho ka muujiyeen shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.