Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa cambaareeyay xariga iyo sida la tilmaamay tacadiyo loo geystay darawalada ku shaqeeysta Mooto-bajaajta Muqdisho, kaddib banaanbaxyo cabasho ah oo ay ka dhigeen magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kazoo baxay xafiiska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu dhaliilay hababka loo dhaqamay darawalada Bajaajta oo dhigay banaanbaxyo ay ku muujinayaan walaacooda ku aadan koro kaca ku yimid qiimaha shidaalka.
Wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda in ay si degdeg ah u joojiyaan waxa uu ku tilmaamay caburinta dibad-baxayaasha, isla markaana la sii daayo dhallinyarada la xirxiray.
Geesta kale Farmaajo, ayaa ku dhiira-geliyay wadayaasha Bajaajta in ay sii wadaan dedaalkooda ku aadan in ay si nabad ah ku helaan xuquuqdooda iyo hagaajinta xaaladooda nololeed, si ay dhibka ay ka cabanayaan loo xaliyo.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka


Leave a Reply