Dowladda oo si kulul uga hadashay dagaalka dadka badan ay ku dhintay ee ka dhacay deegaanka Ari-caddeeye

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta deegaanka Ari-caddeeye ee gobolka Sool, aas loogu sameeyey in ka badan 20 ruux oo ku dhintay dagaalkii ka dhacay deegaankaas.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay isugu jireen Haween, carruur iyo dad da’ ah, oo aan qeyb ka ahayen dagaalka.

Sidoo kale dadkii kale ee dagaalka ku dhaawacmeen, ayaa la sheegay in hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo isbitaalo ku yaalla gobolka

Geesta kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay ka xun tahay colaadda ka socota deegaanka Ari-caddeeye, taas oo dhex martay laba beelood oo walaalo ah, sababtayna khasaare nafeed.

Wasaaraddu ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso falalka gacan ka hadalka ah ee sababay dhimasho iyo dhaawaca dadka rayidka ah.

Sidoo kale Wasaaraddu ayaa ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda, iyadoo dhinacyada ay khusayso loogu baaqayo inay ka hormariyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta Xasiloonida shacabka.

“Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo dhammaan masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari inay door muuqda ka qaataan dejinta xiisadda colaadeed, xoojinta wada hadalka iyo raadinta xal nabadeed oo waara si looga hortago in colaaddani sii fiddo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay tilmaamayaan in xaalada ay degan tahay, balse la filan karo xili kasta in uu dagaalka labada maleeshiyo uu dib u qarxo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.