Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Xafiiska Qaramada Midoobay.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Madaxa Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Vikram Parekh iyo Madaxa Siyaasadda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan maamulka Koonfur Galbeed Morgan Dube.
Kulanka ayaa Hogaamiye Shekh Aadan waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin kale ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadeed Dowladda Koonfur Galbeed, xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa geeddi-socodka dowlad-dhisidda iyo xasilloonida guud Deeganda Koonfur Galbeed.
Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay taageerada ay siinayaan Dowladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada horumarinta hay’adaha Dowliga ah, nabadeynta, iyo hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorkooda muhiimka ah ee taageerada Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga si loo gaaro horumar waara nabad iyo xasilooni.

Leave a Reply