Washington ( Raxanreeb Online) Donald Trump ayaa sheegay in “Iran ay si buuxda oo shuruud la’aan ah u ogolaatay in baaritaano heerkoodu sareeyo lagu sameeyo Nukliyeerkeeda, kuwaa oo soconaya muddo aad u dheer mustaqbalka (weligood!!!)’.
“Haddii Iran aysan aqbali lahayn arrintan, ma jiri lahayn wax wada xaajood ah oo dheeraad ah.” Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri.
Saacado ka hor, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Esmail Baghaei ayaa sheegay in Iran aysan qorsheyneynin inay IAEA u ogolaato inay booqdaan xarumaha nukliyeerka ee ku waxyeeloobay dagaalka.
Hadalkan ayaa u muuqday mid jawaab u ah hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance ee ahaa in Iran ay ogolaatay soo celinta kormeerayaasha IAEA.

Leave a Reply