Dowladda oo soo bandhigay  tirade xubnaha Al- Shabaab ee ay dileen.

Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Da’ud Aways ayaa  faahfaahin maanta oo Arbaca aha ka  bixiay howlgalada Dowladda ee ay ka wado deegaano badan oo   gobolada dalka

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay guullo waaweyn ka gaareen howlgallo ka dhacay Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxa uu xusay wasiirka  in tiro badan oo kooxda Al- Shabaab ah maalihii la soo dhaafay lagu dilay weeraro iyo duqeymo ka dhacay magaalooyinka ay ka socdaan howlgalada.

“Isu-geynta tirada Khawaarijta laga dilay howlgalladii dhacay todobadii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaareysaa 323 xubnood,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa xusay   in howlgalladu ay ka sii billowdeen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayada oo laga duulayo baaqii madaxweynaha.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalladan ciidamada huwanta ay kooxda Al-Shabaab uga soo furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.