Rasaasta Dowladda oo laga iibiyo kooxda Al- Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa soo baxaya war dhiilo leh oo la xiriira in hadda goobaha dagaalada ay ka socdaan lagu kala iibsado – rasaasta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa xaqiijinaya jiritaanka rasaas ciidanka Dowladda ay lahayeen oo laga iibiyay kooxda Al- Shabaab oo dagaal kala soo  horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Ciidanka oo aan qaadan wax mushaaraad ah ayaa soo dadajiyay in askarta rasaasta ay ka iibsadaan Haweenka qaadk iibiya , kuwaas oo iyagana u gudbiya dhanka kooxda Al- Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga ayaa sidoo kale xaqiijiyay jiritaanka arrintaan, isaga oo sheegay in arrintan ay timid maadama aysan lacag haysan ciidamada.

Talaabadan ayaa wiiqi karta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda meelo badan oo dalka ah.

Ciidanka Dowladda gaar ahaan kuwa ku sugan – goobaha dagaalada ayaa la soo sheegayaa in aysan  helin wax xuquuq ah taas oo keenaysa in dhabar jab ay ku  noqoto Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.