Dowladda oo soo bandhigtay ciidamo katirsan kuwa xoogga oo ka howlgala Puntland

Dowladda oo soo bandhigtay ciidamo katirsan kuwa xoogga oo ka howlgala Puntland

Laascaanood (Raxanreeb Online) Waxaa magaalada Laascaanood saacadihii la soo dhaafay gaarey askar qeyb ah askartaasi oo sugi doona Amniga Caasimadda Dowlad goboleedka Waqooyi Bari.

Ciidamadan yaa waxaa duleedka Laascaanood ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Firdhiye, isagoo tilmaamay in ay yimaadeen dhulkooda, isla markaasna ay isku diyaariyaan sugida amniga, iyagoo tillaabo ka qaadaya cid kasta lid ku ah Amniga.

Waxaad u taagan tihiin in aad nabad galyada sugtaan, ciidanka aad ka tirsan ee Xoogga dalka iyo walaalahiina Waqooyi Bari waa in aad is kaashi muujisaan, waxaa tihiin dadkii xoreeyay Laascaanood” ayuu yiri Madaxweyne Firdhiye.

Sidoo kale, War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusay in Ciidan ka tirsan Xoogga Dalka oo uu hoggaaminayo Jeneraal Jimcaale gaareen magaalada Magaalada Laascaanood.


Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doona sugida Amniga martida ku sugan Laascaanood oo ay qeyb ka yihiin Madaxda Sare ee dalka sida Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Xamae Cabdi Barre.

Leave a Reply

Your email address will not be published.