Dowladda Soomaaliya oo sare u qaaday burburinta dhulalka Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online) Waxaa sare u ka kacay burburinta dhulalka 24 saac ee lasoo dhaafay, waxaana waddooyinka caasimada, mashquul ka dhigay gaadiidka ay dadka ku barakacayaan.

Sacaadihii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa burburisay dhulal ay degganayeen dad shacab ah, kuwaasi oo ku yaalla xaafadaha, Shibis, Sanco, Warlaliska, Ceel-hindi iyo kuwo kale, waxaana xaafadaha qaar ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo ciidamo kasoo horjeeda burburinta dhulalka.

Mucaaradka ayaa soo saaray baaqyo kala duwan oo ay dowladda kaga dalbanayaan in ay joojiso barakacinta dadka shacabka, iyada oo weli lagu jiro bilihii roobabka ay da’ayeen.

Qaar kamid ah Dadka shacabka oo la hadlay warbaahinta, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday in uu u turo maadama ay la daalo dhacayaan nolol maalmeedkooda, lagana joojiyo barakacin, balse weli dowladda ayaa sii wada burburinta.


Geesta kale mucaaradka dowladda ayaa ku dhawaaqay 10-ka May, banaan-bax loogu soo horjeedo barakacinta shacabka, waxaana sida xubnaha mucaaradka ay shegeen is diiwaan geliyay in ka badan 19,000 oo ruux, kuwaasi oo diyaar u ah ka qeyb galka banaanbaxa mucaaradka ay shaaciyeen.

Sikastaba, lama oga tallaabada ay qaadi doonto dowladda, balse dowladda ayaa ciidamo badan keentay jagboontiyada magaalada, kuwaasi oo looga talagalay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqa mucaaradka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.