Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay qaadeyso talaabo ay kaga hortageyso xiriirka Israa’iil iyo Somaliland

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay xiriirka sii xogeysanaya ee u dhaxeeya Somaliland iyo Isra’iil iyo booqashada uu madaxweyne Cirro ku joogo Israa’iil.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka dhawaajisay sida ay walaaca uga qabto wararka sheegaya in maamulka Israa’iil uu xiriir la sameynayo maamulka gooni u goosadka ah ee gobolada waqooyi ee Soomaaliya, iyada oo aan loo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa xiriir kasta oo noocaas ah inuu yahay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda, midnimadeeda, wadajirka dhulkeeda, iyo nidaamkeeda dastuuriga ah. Soomaaliya waa dowlad madaxbannaan oo si caalami ah loo aqoonsan yahay, Dowladda Federaalka Soomaaliyana waa hay’adda keliya ee sharciyan u awoodda inay dalka ku metesho xiriirrada caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee XFS.

Sidoo kale Wasaaraddu Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in ay adkeynayso in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed ama nooc kasta oo kale ah oo lala yeesho maamulka gooni u goosadka ah, iyadoo la hareer marayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah isla markaana aanu lahayn wax sharciyad ama miisaan siyaasadeed ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.