Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay soo daad gureyneso muwaadiniinteeda ku xayiran Sudan

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay soo daad gureyneso muwaadiniinteeda ku xayiran Sudan

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo daabuleyso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran Dalka Suudaan xilli dagaallo ay ka socdaan Magaalada Khartuum.

Ku simaha xoghayaha joogtada Wasaaradda arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Nuur Diinaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo daabuleyso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Suudaan oo dagaallo ay ka socdaan.

Diinaari ayaa sheegay in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan uu dhawaan gaari doona Magaalooyinka ay ku sugan yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan xadadka ay Suudaan la leedahay Dalalka Itoobiya, Masar iyo South Sudaan.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yusuf ayaa walaac ka muujisay xaaladda deg-degga ah ee ka taagan dalka Suudaan, taas oo keentay in ay barakacaan qoysas badan oo u nugul dhibaatada iyo Arday.

Dagaalka Suudaan ka billawday 15kii April 2023 ayaa xaaladda dalkaas ka jirta marqura usoo jeedisay indhaha daneeyaasha waddankaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika oo isku dhacyada ka dhaca ay kordheen.

Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ka digay dhibaatooyin bani aadamnimo oo ka dhasha dagaallada iyo xiisadda u dhaxeysa dhinacyada hubeysan ee kawada midka ahaa Militariga afgambiyay Maamulka Cumar Xasan Al-Bashiir Oktoobar 2021.