Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Jameeco ee Hiiraan

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa dagaalamayaasha Al-Shabaab kala wareegay degaanka Jameeco oo u dhow magaalada Buurweyn ee gobolka Hiiraan.

War kooban oo ka soo baxay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu yiri, “Ciidanka ayaa la wareegay deegaankaas oo ay horay u joogeen Al-Shabaab, ciidankii xoreeyey deegaankaas ayaa sii baacsanaya Khawaarijtii ka firxatay deegaanka Jameeco.”

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ay hormuud u yihiin mas’uuliyiin Gobolka & kuwa Degmooyinka, saraakiisha howlgallada hoggaaminaya ayaa sheegay in wajiga labaad ee howlgalka uu billawday.

Guud ahaan Gobollada Dalka ayaa waxaa ka socda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkacayaan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa deegaanka ee loo yaqaan macawiisleyda iyo Ciidamo ka socda waddamada dariska.