Waa kuma qareenka Soomaaliga ah ee difaacayay IEBC

Waa kuma qareenka Soomaaliga ah ee difaacayay IEBC

Nairobi (Raxanreeb ) Maxkamadda sare ee Kenya ayaa maanta oo Jimco ah la filayaa inay soo gabagabeyso dhegeysiga dacwadda la xiriirta doorashada madaxtinnimada Kenya.

Qareennada u doodaya Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudada Kenya (IEBC) iyo madaxweynaha la doortay ee William Ruto ayaa ka hor yimid codsiga murashaxa madaxweyne ee Raila Odinga iyo lix qof oo kale oo doonaya in ay meesha ka saaraan natiijadii lagu dhawaaqay ee doorashadii 9-kii Agoosto.

Qareennada ayaa ku boorriyay maxkamadda in ay meesha ka saarto dacwadaha ay soo gudbiyeen Odinga iyo kooxdiisa, iyagoo sheegay in aysan soo bandhigin caddeymo ay ku taageerayaan sheegashadooda.

Waxay ku xujeeyeen inay keenaan caddayn muujinaysa in nidaamka teknoolajiyada ee natiijooyinka doorashada la farageliyay.

Waxay ku eedeeyeen kooxda Raila in ay sameeyeen qalalaase dastuurka ka hor imaanaya si ay u gaaraan ujeeddooyinkooda siyaasadeed.

Qareennada ayaa ka jawaabi doona su’aalaha iyo caddaynta ay rabaan toddobada garsoore ee fadhiga maanta oo Jimco ah.

Garsooreyaasha ayaa markaas kaddib dhamaadka isbuuca qori doona xukunka, waxayna Isniinta soo saari doonaan go’aanka kama dambeysta ah ee maxkamadda.

Qareenka Soomaaliga ah

Qareennada u doodaya Guddiga Doorashada Kenya ee IEBC waxaa ka mid ahaa qareen Soomaali ah oo lagu magacaabo Mahad Soomane, kaas oo shalay markii uu dooddiisa soo gudbiyay kaddib ay dadku aad u hadal-hayeen.

Inta badan dooddiisa waxay ku qotontay sharraxaad la xiriirta habka teknoolojiyada ee loo isticmaalay doorashada, taas oo ay kooxda Raila ay ku doodayeen in la farageliyay.

Baraha ay bulshadu ku xiriirto ee Kenya gaar ahaan Twitter-ka ayaa waxaa tan iyo xalay ka tagneyd hadal-hayn la xiriirta qaabkii uu qareen Mahad u soo bandhigay dooddiisa, iyadoo dadka qaar ay la dhaceen halka qaar kalena ay dhaliilayeen.

Haddaba waa kuma qareen Mahad Soomane?

Soomane waxa uu ammaan ku soo jiitay sida uu u qeexay macluumaadka teknoolajiyada iyo ereyada sharciga ah ee uu adeegsaday, isaga oo difaacaya guusha Madaxweynaha la doortay ee William Ruto.

Soomane waxa uu 2005-tii ka qalin jabiyay Jaamacadda Nairobi isagoo markaas qaatay shahaadada koowaad ee sharciga, halka uu 2007-dii ka qaatay shahaadada (Post Graduate Diploma in Law) kulliyadda sharciga ee Jaamacadda Nairobi, sida uu qareenku ku soo qoray bartiisa LinkedIn.

Sanadkii 2010, wuxuu ka qalinjabiyay Dugsiga Harvard Kennedy isagoo qaatay shahaadada Masters-ka ee kulliyadda Siyaasadda Dadweynaha (Horumarinta Dhaqaalaha Caalamiga ah).

Sanad kaddib 2011, wuxuu shahaadada labaad ee sharciga ka qaatay isla Jaamacadda Sharciga ee Harvard.

Mahad waxa uu wax ka diyaariyay sharciyada shirkado iyo hay’ado waaweyn oo ay ka mid tahay Hay’adda Bill iyo Melinda Gates Foundation ee Mareykanka. Waxaa aasaasay Bill Gates oo ah aasaasaha Microsoft, kana mid ah bilyanneerrada ugu caansan adduunka.

Markii ugu horreysay waxa uu soo shaac-baxay sanadkii 2017, kaddib markii Guddiga IEBC uu qandaraas ku siiyay in uu ku matalo maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya intii ay socotay dacwaddii ka dhalatay murankii doorashada madaxweynaha.

Hadda waa markii labaad oo uu maxkamad ka difaacayo Guddiga Doorashada.

Waxa uu shuraako ku yahay Garane & Somane Advocates, oo ah shirkad sharci oo fadhigeedu uu yahay Nairobi.

ISHA : BBC Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.