Madaale oo Dooxa kula kulmay Danjire Doodishe

Madaale oo Dooxa kula kulmay Danjire Doodishe

Doha (Raxanreeb) — Guddoomiyaha goboka Banaadir ahna duqa caasimadda Muwdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmahaan safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta booqasho ku tagay safaaradda DFS, ee dalka Qatar.

Madaale, ayaa safaaradda kula kulmay Amb Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo ah, safiirka cusub ee dhowaan dowladda Soomaaliya, u magacawday dalka Qatar.

Duqa Muqdsho, ayaa safiirka uga hamalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay isagoona Alle (SW) uga baryay masu’uliyadda culus ee loo dhiibay in uu Allah la garab galo.

Dhanka kale Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Amb Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen xarunta safaaradda oo ah, goob loogu qidmeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool dalka Qatar.

Doodishe oo muddo ku dhow laba sanno ahaa wasiirka amniga Gudaha ayaa hadda noqday Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, u fadhiya dalka Qatar, oo kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.

Dhinaca kale lama oga cidda loo magacaabi doono booska uu banneeyay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, maagacaabistan ayaa kusoo aaday xilli la filayo in uu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, uu golahiisa Wasirrada ku sameeyo isku shaandheyn ballaaran, balse ma cadda xubnaha ay saameyn doonto, haddii la qaado tallaabadaasi.