Muqdisho (Raxanreeb )- Kooxda Al- Shabaab ka tirsan ayaa abaaro 07:30 PM beegsatay Ifraax Maxamuud Cumar oo xubin ka ahayd gudiga adeega garsoorka ee uu kala diray madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Haweenaydan ayaa markii la beegsanayay waxa ay ka soo baxday Hotel ay ka deganayd magaalada Muqdisho iyada oo kooxdana ay u galeen jidka si ay u qaarijiyaan hase ahaatee ay ka badbaaday.
Weerarkan ayaa ka dhacay caawa nawaaxiga Isgoyska Banaadir , halkaas oo laga maqlayay rasaas xooggan oo ka dhalatay weerarka.
Ifraax Maxamuud Cumar oo sidoo kale ka mid ahayd Maxkamada sare ee dalka waxaana ayna saarnayd gaari qaas ah taas oo keentay in kooxahan si dirqi ah ay uga badbaado.
Ma jirin wax dhibaato ah oo haweenaydan oo ah masuul ka tirsan Maxkamadda sare ee dalka ka soo gaarin rasaastii la huwayay gaarigii ay saarnayd sida ay sheegeen goobjoogayaal aan la hadalnay.
Kooxdan oo ka tirsan Al- Shabaab ayaa goobta isaga baxday ka dib markii rasaasta lagu faray gaariga Ifraax ay la socotay ay ku soo baxeen ciidanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya halkaas oo iska caabin ay ka sameeyeen ciidanka.
Sayga haweenaydan la weeraray caawa ee Ifrax ayaa hore kooxda Al- Shabaab waxay ku beegsadeen qarax ay ugu xireen gaarigiisa nawaaxiga Sayidka ee magaalada Muqdisho oo uu u dhintay.
Ugu dambeyntii, dhacdada noocaan oo kale ah waa mid ku badan Magaalada Muqdishu in masuuliyiinta dowlada ay kooxo hubeysan oo A.S ah ku beegsadaan waxaana hore u jiray xubno dowladda ah oo kooxda ay dileen.
Leave a Reply