Duqeyn ka dhacday Galgaduud oo lagu dilay dagaalamayaal katirsan Alshabaab.

Duqeyn ka dhacday Galgaduud oo lagu dilay dagaalamayaal katirsan Alshabaab.

Galgaduud (Raxanreeb online) – Duqeymo culus oo dhinaca cirka ah ayaa lagu garaacay deegaanno kuyaalla xadka ay wadaagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhaxe, waxaana deegaannada la duqeeyay la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno badan oo katirsanaa kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in la duqeeyay deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Ruunirgood iyo Ceeldheer, waxa ayna saraakiisha sheegeen in goobaha la duqeeyay ay isku aruursanyeen xubno badan oo katirsanaa Al-shabaab.

Dhanka kale, duqeynta oo dhacday dhowr mar ayaa lala beegsaday gaadiid dagaal iyo goobo ay ku sugnaayeen dagaallamayaal katirsanaa Al-shabaab, waxaana weerarka la sheegay in lagu beegsaday xubnaha Al Shabaab oo halkaasi ka waday abaabul iyo is uruursi ciidan.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in weerarka dhinaca cirka ah ee ka dhacay xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhaxe lagu dilay saraakiil iyo dagaallamayaal badan oo katirsanaa Al-shabaab, waxa ay sidoo kale sheegeen in duqeynta lagu gubay gaadiid dagaal ay kooxdaasi wateen.

Sikastaba, diyaaradaha dagaalka ee taageera ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa fuliya xilliyada qaar weeraro ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana weeraradaasi marar badan lagu dilay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab ay ku jiraan saraakiil sar sare

Leave a Reply

Your email address will not be published.