Duqeyn lagu dilay madax ka tirsanaa Al-Shabaab Sh/Hoose

Duqeyn lagu dilay madax ka tirsanaa Al-Shabaab Sh/Hoose

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo shaacisay magacyada horjoogeyaashii Al-Shabaab, ee lagu dilay duqeynta maanta ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo Nuun Garre, oo hoostaga degmada Awdheegle, ee Shabeellaha Hoose halkaas oo lagu dilay labo sarkaal sar sare oo lagu raad joogay kuwaas oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Horjoogeyaashan, ayaa lagu kala magacaabi jiray Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah, u qaabilsanaa kooxda kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

“Labada horjooge ee la dilay ayaa ahaa dembiileyaal si wayn loogu raad joogay, kuwaas oo loo haystey gabbood fallo ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka DF.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in lagu dilay 7 kale oo ka tirsan kooxda howlgallo aad loo qorsheeyay oo ay fuliyeen Ciidamada Qadanka iyo Saaxiibbada Caalamiga ah.

Dagaalyahannada ka tirsan kooxda ee ka kobnaa 7-da ayaa lagu bartilmaameedsaday deegaanka Caad ee Gobolka Mudug.

“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta haraadiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay DFS.

Dhowaan ayay ahayd sidan oo kale degmada Bu’aale iyo Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe, ee Soomaaliya, lagu beegsaday duqeyn dhanka cirka ah, xarumo bakhaaro lagu keeydiyo hubka iyo qaraxyada kuwaas oo Al-Shaabab, ku lahaayeen deegaannadaasi.

Sidoo kale weerar duqeyn oo lagu qaaday guri ku yaalla degmada Jilib ee Jubbada Dhexe Soomaaliya, kaas oo xilli habeen ah, la fuliyay weerarka ayaana lagu beegsaday saraakiil sar sare ee ka tirsan Al-Shabaab.

Si kastaba hasa yeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dedaallo xooggan oo ay dalka uga sifeyneyso kooxaha argagaxisada ah.