Faah faahin: dagaal ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka waabarigii kooxda Al-shabaab ay weerarreen saldhig ciidamada dawladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku lahaayeen duleedka magaalada Baydhabo.

Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa in uu dhacay markii uu weerarku bilowday kaas oo hubka la isku ridayay laga maqlayay gudaha magaalada sida dadka deegaanka ay inoo shegeen.

Goobta dagaalku ka dhacay oo la yiraahdo Bay-Burajeed ayaa qiyaastii dhawr iyo toban km bari uga beegan maagalada Baydhabo, waxayna u dhaxeysaa Daynuunaay iyo Baydhabo.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ay arkeen gawaarida gurmadka degdeg ah oo sida dhaawacyo iyo maydad laga keenay goobta dagaalka, mase cadda tirada ku dhimatay ama ku dhaawacantay dagaalka.

Kooxda Al-shabaab ayaa warbaahintooda ka sheegay in saaka ay dagaal ku qaadeen xerada ku taala Bay-Burajeed kadibna ay qabsadeen xerada, halkaasna ay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda, isla markaana ay ka furteen saanad ciidan.

Ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya. sheegashada Al-shabaab.

Illaa hadda wax warra kama soo bixin maamulka koonfur galbeed iyo dawladda federaalka oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay duleedka Baydhabo.

Labo bilood kahor ayay ahayd markii kooxda Al-shabaab sidan oo kale ay soo weerarreen saldhiga Bay-Burajeed laakiin dagaalkaas waa lagu jabiyay, waxana dagaalka kaga dhintay dhawr iyo toban dagaalame.

Leave a Reply

Your email address will not be published.