Iiraan ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha baarlamaanka Iran Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Iran ay joojisay dhammaan wada-shaqeyntii ay la lahayd wakaaladda tamarta nukliyeerka ee caalamiga ah (IAEA), ka dib markii ay Mareykanka weerareen 3 xarumood oo Bacriminta Nukliyeerka Iran laga waday.
Madaxa u sareeya IAEA Rafael Grossi ayaa u sheegay CNN-ka in uu doonayo in ay Hay’adooda loo ogolaado in Kormeerayasheedu ay galaan gudaha Iran oo ay shaqadooda sii wataan, laakiin taas Tehran ayaa diiday.
Ka hor bilowgii duulaanka Mareykanka ay ku qaadeen gudaha Iran, Mr, Grossi ayaa sheegay in ran ay bacriminta uranium-ka gaariisay 60%, oo 20% oo kaliya uga dhiman tahay 90% oo ah meesha ay noqon karto hub rasmi ah oo Nukliyeer ah, warkan waxaa beenisay oo been abuur kusifeysay dawladda Iran oo sheegtay in ay waajib tahay in maxkamad la horkeeno Rafael Grossi.
Leave a Reply