Dil ardayad kaalmaha wanaagsan ka  galay oo qof loo soo qabtay

Raxanreeb(MUQDISHO) Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa  ku waramay  in gacanta ay ku soo dhigeen qof ay sheegeen inuu ka danbeeyay dilka gabar ka mid ahayd kuwa  kaalmaha  hore ka galay imtaxaankii Dowlada ay qaatay.

Howlgal ay fuliyeen  ciidanka  Booliska ayaa lagu soo qabtay , eedeysanaha dilka gaystay m kaas oo muuqaal laga duubay ku sheegay in sababta dilka ay ahayd  mobile uu doonayay in marxuumada uu ka qaato..

“Gacan ku dhiiglihii gacanta ayaa lagu dhigay, waxaana u gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh, sida CID, inkasta oo uu qiraal yahay,” sidaas waxaa sheegay  Taliyaha qeybta galbeed ee ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Yaasiin Ganey.

Ciidanka Booliska  ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono , eedaysanaha , oo lagu magacaabo Jeylaani Aadan Abaadir.

AUN Hibo waxay dhigan jirtay iskuulka Iftin oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay sannadkaan ka baxday,waxaana shalay marxuumada lau aasay degmada Afgooye ee  gobolka Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.