FAALLO : Laftagareen ciidanka Itoobiya maku hayn karaa KGS ama isaga bixi doona ?.

FAALLO : Laftagareen ciidanka Itoobiya maku hayn karaa KGS ama isaga bixi doona ?.

Baydhabo (Raxanreeb )-  Lama  filaan ayay ku noqotay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya hadal ka soo yeeray saacadihii la soo dhaafay  maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ee looga hadlay arrimaha Itoobiya.

Dowladda  Soomaaliya ayaa sheegtay in Itoobiya ay u aragto , caqabad  hortaagan dhismaha ciidanka & dowladnimada isla markaana ay ku soo duushay madax banaanida dalka, iyadoo ay sheegtay in dalka ay ka bixi doonaan.

Hadal uu jeediyay La Taliyaha amniga Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku sheegay in Itoobiya marnaba sii joogi doonin Soomaaliya , oo la joogo waqtigii ay dalka banayn lahaayeen.

“Ciidanka Itoobiya ma sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya dalka Soomaaliya, dowladduna go’aan culus ayay ka gaartay ” ayuu Xuseen Macallin.

Go’aanka Dowladda ee Laftagareen.

Markii uu hadalkaas ka soo yeeray Dowladda Soomaaliya waxaa durbadiiba si kulul oo aan la filaynin uga hadlay maamulka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.

Koonfur Galbeed wasiirkeeda arrimaha gudaha ayaa sheegay inuu keliya ogyahay in ciidanka Itoobiya ay sii joogi doonaan dalka si gaar ah deegaanada maamulka koonfur Galbeed si ay u sugaan amniga.

Filan waa ayuu ku noqday hadalkan Dowladda Soomaaliya oo u aragta Itoobiya in ay tahay mid doonaysa in ay kala qoqobto Soomaalida dhaxdeeda  , maadama hadda ay helayso difaac .

Hadalkan ayaa abuuraya xiisad horleh, oo u dhaxeysa  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka KGS.

Kaalinta Ciidanka Itoobiya ee KGS

Ciidanka Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya waxa ay kaalin ku leeyihiin , dadaalada lagu doonayo in Al- Shabaab looga saario gudaha dalka waxaana degaanada ay ku sugan yihiin ka mid ah Koonfur Galbeed.

Waxa ay ku sugan yihiin ciidanka Madaxtooyada maamulkaas iyo goobaha kale waxa ayna sugaan amniga madaxwaynaha KGS Cabdicasiis Laftagareen.

Lafta gareen ayaa u arka , ka bixitaanka ciidanka dalka  si gaar ah Joonfur Galbeed baylah xaga amniga taas ayaa la leeyahay waxa ay keentay inuu si cad ugu soo horjeesto dowladda Soomaaliya.

Maxaa dhacay  sanadkii 2018.

Madaxweynihii maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa is casilay markaas oo cadaadis uu kala kulmay Nabad iyo Nolol oo kursiga la rabtay  Laftagareen.

Xiligaas ciidanka Itoobiya ayaa si cad ugu soo horjeestay Shariif Xasan Sheikh Aadan oo u sheegay inaysan sugi karin amnigiisa taasna ay keentay inuu is casilo.

Tani ayaa tusaalle u ah awooda ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanada maamulka Koonfur Galbeed

Hanad Ali Guled

Raxanreeb.

Leave a Reply

Your email address will not be published.