FAALLO : MD Xasan Sheekh Mahad Salaad  miyuu “Dhabarka” aadiyay?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Shaki badan ayaa ku gadaaman sida kooxda Al – Shabaab ugu fududaatay in weeraro joogta ah ay ka gaystaan meelo muhiim ah oo caasimadda ah.

Shakiga ugu badan ayaa Hay’ adaha amaanka ee Dowladda Federaalka – hareeyay ka dib markii kooxda Al- Shabaab inta si fudud ay ku galeen Hotelka Villa Rose ee kaabiga ku haya Aqalka Madaxtooyada  halkaas oo saacado badan ay ka dagaalamayeen.

Way adag tahay in si fudud loo galo Madaxtooyada Soomaaliya marka loo eego goobaha ay ciidanka joogaan xitaa waxaa aad u adag in qof caadi ah uu halkaas gaaro , waxaana laga ilaaliyaa goobta Al- Shabaab ay weerareen ilaa shan waddo oo kala ah :

1. Waddada Sayidka ka timaad
2. Ceelgaabta ka timaad
3. Daljirka
4. dhanka 15 May ka timaad
5.  Waddada  Tiyaatarka ka baxda ee Villa Rosa gasha.

Waxaa soo baxaya in laamaha amaanka dhaxdooda uu ka bilowday tuhun ah in ay jiri karaan shaqsiyaad si dhaw ula shaqaynaya kooxda Al- Shabaab kuwaaas oo loo fududeeyo baraha Kantarool ilaa laga gaaro halka ” beegsiga ” u ah kooxda Al- Shabaab.

Tuhunka ugu badan ayaa laga qabaa Hoggaanka Nabad sugidda oo gacanta ku haysa ammaanka Madaxyooda Kaamirooyinka ku xiran kuwaas oo lix saac ka hor inta uusan weerarka bilaaban la damiyay , si meesha looga saaro dhaq- dhaqaaqa waxa socda.

Waxaa kaloo shakigaga ku kordhiyay Hoggaanka NISA Guddiga loo magacaabay baaritaanka weerarka Villa Rose oo laga reebay Taliyaha nabad sugidda Mahad Salaad oo la leeyahay Madaxwaynaha dhabarka ayuu aadiyay markan.

Lama hayo muuqaladii ku jiray Kaamirooyinkii ku xirnaa weerarkii kooxda Al- Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat , ee Muqdisho taasna waxa ay culayska ku kordhisay ayay leeyihiin falanqeeyaasha amnnigan Hoggaanka NISA .

Sida uu madaxweyne Xasan Sheikh u maareeyo weerarka Villa Rays ee hoygiisa deriska la ah ayaa calaamad u noqon doonta hiigsiga amni sugidda ee uu dalka ka leeyahay , haddiise la waayay waa mi keeni karta in shacabku ay ka aamin baxaan laamaha amniga ee Dowladda Federaaalka Soomaaliya.

W.Q Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.