FADEEXO : Xujeyda Soomaaliyeed oo wajahaya xaalad adag & dayac.

FADEEXO : Xujeyda Soomaaliyeed oo wajahaya xaalad adag & dayac.

Muqdisho (Raxanreeb )-  Warar kala duwan ayaa ka soo  baxaya dhibaatooyin ay qabaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan kuwaas oo la soo warinayo in dayac xooggan uu ka jira goobaha la dejiyay oo ay u sii dheer tahay goobo aan munaasab ahayn oo la dejiyay.

Waxaa la soo warinayaa  in xujeydan sanadkann ay ka cabanayaan adeeg xumo ay mas’uul ka tahay dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya oo xujeydaas masuul ka ahayd.

Ma jiraan ayay leeyihiin xujeyda Hortelo wanaagsan oo nala dejiyay waxase u sii dheer , dhibaatooyinka kale ee ay ku qabaan guryaha la dejiyay oo uu ka jiro kululay daran , maadama ay yihiin kuwa aan la dayactiran goobaha la dejiyay.

Waxaa meesha ka baxay rejo in mudda ah ay sugayeen xujeyda Soomaaliyeed hase ahaatee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxba ka qaban xaaladan adag ee ay wajahayaan xujeyda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la  sheegayaa in macaash badan ay ka sameysay  shaqaale gaaraya 415 qof oo loo sameeyey ID oo mid walba jago ku magacaaban yahay, kuna qoran yahay xafiiska Xujeyda.

Dhibaatada kale ee  muuqata ee u baahan in wax laga qabto ayaa ah in la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed sanadkan goobo aad uga fog xaramka  taasi oo dhibaato badan ay kala kulmaan.

Waxaa la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilan tahay oo iska indha tirtay wax ka qabashada marxalada adage e ay ku sugan yihiin xujeyda Soomaaliyeed oo sanadkan tiro ahaan  11,500 oo xaaji, waana tiro ka ag dhow tirada xujeydii sanadihii lasoo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.