Fannaan caan ahaa oo toogasho lagu dilay

Fannaan caan ahaa oo toogasho lagu dilay

Muqdusho (Raxanreeb)— Fannaanka caanka ah ee heesaha Raab-ka, Takeoff, oo ka tirsanaan jiray kooxda Migosbandhas ayaa toogasho lagu dilay, sida ay tebisay warbaahinta Mareykanka.

Falkan lagu dilay fannaanka ayaa ka dhacay magaalada Houston ee gobolka Texas.

Booliska ayaa sheegay in Takeoff la dilay aroornimadii maanta oo Talaado ah, waqtiga maxalliga ah.

Magaca dhabta ah ee fannaanka 28 jirka ahaa waa Kirshnik Khari Ball.

40 ilaa 50 qof ayaa isugu yimid meel uu ku ciyaarayay Kirshnik Khari Ball, waxaana mar qura si lama filaan ah rasaas ugu furay qof ka mid ahaa dadkaas, sida ay boolisku sheegeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.