London (Raxanreeb ) Sida ay xaqiijiyeen qoyskiisu waxa magaalada London ku geeriyooday Fannaankii weynaa ee Axmed Naaji Sacad. Axmed Naaji Sacad oo inta badan magaciisa marka la sheegayo la raaciyo Ustaad Axmed Naaji, sannadkii 1939kii ayuu ku dhashay degmada Shibis ee Muqdisho oo xilligaas la odhan jiray Billaajo. Axmed Naaji oo ahaa ilmaha labaad ee qoyska u weyn, hooyadii waxa la odhan jiray Faadumo Maxamed.
Axmed Naaji Sacad waqtigii uu barbaarayay waxa dugsiyada Muqdisho lagu dhigan jiray Af Carabiga iyo Af Talyaaniga, marka laga yimaaddo maaddada Quraanka oo si guud dugsiyada loogu dhigan jiray. Kolkii uu ilaa dugsi sare ku dhammaystay xaafaddii uu ku dhashay ayuu u guuray Xamarweyne gaar ahaan xaafadda Iskuraran. Halkaas ayuu Axmed Naaji ka maqli jiray heesaha laga qaadayo xarunta Leegada oo u dhowayd Iskuraran.
Raggii heesahooda uu dhagaysan jiray habeenkii waxa ka mid ahaa Maxamed Jaamac Joof, Cabdi Muxumed, Qaasim Hilowle iyo rag kale. Axmed Naaji iyo dhallinyaro kale oo fanka jecel ayaa booqan jiray xarunta Leegada ee laga heesayo. Dabadeed, isaga iyo dhallinyaradii kale waxa fursad loo siiyay inay xilliyada ay jiraan barnaamijyada iyo kulannada Xisbiga Leegadu ay dadka sii maaweelin karaan. Sidii ayey samayn jireen Axmed iyo dhallinyaradii kale ee fanka ay wada jeclaayeen, kooxdoodana waxa la dhihi jiray Kooxda Dayaxa.
Heesaha la qaadi jiray ma ay jirin dhaqan Soomaali gaar ah oo ay ku salaysnaayeen ee waxay ahaayeen keli ah kuwa farriin gudbiya oo marba hees asalkeedu dal kale ama dhaqan kale ka soo jeedo ayaa erayo wacyigelin ah lagu qaadi jiray, sida Hindi ama Carabi. Heesta “Yaa’ayuha Soomaaliyu” ayaa ka mid ahayd heesaha la qaadi jiray ee guubaabada ahaa.
Kolkii xorriyadda la qaadanayey, Axmed wuxuu ahaa nin gaashaanqaad ah oo da’da laabaatanka ay wax u dheer yihiin oo uu markan ku sii batay jacaylka uu u qabo fanka, isaga oo aad u dhagaysan jiray Radio Muqdisho oo ay ka heesi jireen fannaaniin ay ka mid yihiin Suufi Cali, Faadumo Kiinya Faadumo Hirad) iyo Khadiijo Cabdillaahi Camey “Dalays.”
Habeenkii xorriyadda gobollada Koonfureed ay ka qaadanayeen Talyaaniga, Axmed wuxuu joogay xarunta baarlamaanka waxaanu maalmihii ka horreeyey Radio Hargeysa ka dhegaystay heesihii ay kooxdii Walaalaha Hargeysa iyo hobolladii kale ay ka qaadeen xornimadii gobollada Somaliland ee ay ka mid ahaa heesta “Waa mahad Allee” ee uu curiyey Ismaaciil Sheekh Axmed (Cagaf), Maxamed Saleebaan Tubeecna uu qaaday, laxankana uu u sameeyay Cabdillaahi Qarshe. Dabadeed heesta “Goormaan ladnaanay?” ee uu curiyey Siciid Maxamed Cali (Xarawo) ayuu Axmed Naaji muusigga la dhisay Xarawo, waxayna qayb ka ahayd farxaddii lagu muujinayey xornimada Soomaalida.
Fanka Axmed Naaji waxa uu kor u kacay kolkii ay Axmed Naaji isdhexgaleen fannaaniintii Woqooyiga ka timi, sida Cabdillaahi Qarshe, Xuseen Aw Faarax Dubbad, Axmed Cali Haaruun (Dararamle) Cismaan-gacanlow iyo kuwo kale. Raggaa qaar ka mid ahi waxa ay Axmed ka caawiyeen dhisidda erayada suugaanta.
Sannadkii 1962kii ayaa si rasmi ah Axmed Naaji la qoray Radio Muqdisho, waxaana lagu qaatay hees Banaadiri ahayd oo la odhan jiray “Wuu ahaaday adduunkan.” Waxa uu ku soo baxay barnaamij maalin kasta oo Axad ah bixi jiray oo la odhan jiray “Lugo-baxsi” oo idaacadda Radio Muqdisho fannaaniinta ku tartansiin jiray.
Waxaannu guud ahaan qoyskiisii , bahda fanka iyo umadda Soomaaliyeed-ba ka tacsiyadaynaa geerida Axmed naaji Sacad oo tiirweyn u ahaa umadda.
Leave a Reply