Aadan Yabaal(Raxanreeb ) Kooxda Al- Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in weerar ay qaadeen deegaanka Daarul- Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe halkaas oo laga saaray dhawaan kooxda Al- Shabaab.
Weerarkan ayaa dhacay maalin cad waxaana la sheegay in labada dhinac uu soo gaaray khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.
Kooxda Al-Shabaab war ay soo saartay ayay ku sheegtay in askar badan ay ku dishay weerarkaas maanta ka dhacay deegaanka Daarul Nimca halkaas oo ay ku sugnayeen ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda ee la xiriira weerarka kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Daaru- Nimca ee Shabeelaha Dhexe.
Daaru-Nicma ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo horay looga qabsaday kooxda Al-Shabaab
Leave a Reply