Kismaayo (Raxanreeb) — Hay’adda FAO, oo gaarsiisay magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Soomaakiya, agab loogu talagalay wax soo saarka daaqa kaasoo ah, mashiino soo saara calafka xoolaha ay cunaan.
Madaxweynaga Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wasiirka Wasaaradda axanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa ayaa ka qeeyb galay munaasabad loogu kala wareegayay mashiinadan loogu talagalay wax soo saarka calafka xoolaha.
Axmed Madoobe, oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim u tahay wax soo saarka calafka xoolaha ku dhaqan deegaannada Jubbaland, ayna ka baddeli doonto wax badan.
Mashruucan ayaa ah magaciisa RAAISE PROJECT, waxaana maalgelinayay Midawga Yurub iyada oo ay fulintiisa iska kaashanayaan hay’adda FAO iyo Waasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Jubbaland.
Sidoo kale mashruucan ayaa xoogga saaraya wax soo saarka dalka ILED (Inclusive Locol Economic Development), iyo sare u qaadidda calafka xoolaha ku dhaqan maamulka Jubbaland, waxaa looga danleeyahay xoolaha ku nool deegaanada Jubbaland in ay helaan daaq ku filan, taasoo saameeyn xooggan ay ku yeelatay dhulkii ay daaqi jireen Isbaddelka Cimillada, ka jirta dalka.
Munaasabadan, ayaa waxaa goobjoog kawada ahaa masu’uliyiin ka tirsan hay’adda FAO, iyo wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Jubbaland, mudane Maxamed Nuur Cali.