Garoowe (Raxanreeb ) Qarax ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay Xaafadaha ka danbeeya Wasaaradda maamulka Puntland ee magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Sida dadka halkaas ku sugan ay ku warameen waxaa ku dhawacmay saddex caruur ah, kuwaaso la geeyay Isbitaalka Qaran ee magaalada.
Ciidamada maamulka Puntland ee magaalada Garoowe ayaa gaarqy halka caruurta qarax ku helay, halkaas ol baaritan ku wadan waxa sababay qaraxan.
Qaar ka mid ah Waalidiinta caruurtan ayaa warbaahinta u sheegay inaysan garanayn waxa ku qarxay caruurtooda isla markaana ay ka war sugayaan kooxaha baariyaasha.
Hay’ adaha amaanka maamulka Puntland ma aysan ka hadlan dhacdan maanta ee ay ku waxyeeloobeen caruurtaas ee ka dhacay magaalada Garoowe ee Puntland
Leave a Reply