Farmaajo oo shaaciyay in uu tagi doono Laascaanood

Farmaajo oo shaaciyay in uu tagi doono Laascaanood

Garowe (Raxanreeb) — Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo hadda ku sugan Garoowe ayaa shaaca ka qaaday in uu dhowaan tagi doono deegaannada maamulka kuleem gaarka ah, ee SSC-Khaatumo.

Farmaajo, oo ka hadlay booqashadiisa ayaa sheegay in marka hore uu kusoo laabanayo caasimada Muqdisho, balse mar labaad uu tageyo Garoowe, kadibna uu usii gudbayo magaaalada Laascaanood.

“Aniga iyo hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye waxaan ka wada-hadalnay oo aan isku sheegnay inay qurxoon tahay inaan dib usoo noqdo marka kulanka uu halkan ka dhacaayo aan waqti fiican ku imaado Khaatumo,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Farmaajo, ayaa sheegay in uu la kulmi doono dadka deegaanka ee SS-C Khaatumo.

“Waxaan ka bilaabeynaa magaalada Laascaanood, Buuhoodle, Gumeys, Carooley iyo wixii suurtagal ah oo deegaanadaas ah oo aan dadka la kulano” ayuu yiri mar kale Farmaajo.

“Waxaan rajeynaayaa inaan sida ugu dhaqisyaha badan ugu soo noqdo Puntland, kadibna aan socdaalkaas ku bixiyo Khaatumo, haddii uu alle yiraado” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa dhowaan dalka dib ugu soo laabtay isagoona muddo 2 sanno ahaa Dibad-Joog isagoona billaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed, oo ka dhan ah, madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu danbeeyntii Farmaajo, ayaa aad uga biyo diidan qorshaha Villa Somalia, ee wax ka baddelka Dastuurka Dalka, kaas oo hadda la isugu mari la’yahay.