Baladweyne (Raxanreeb) — Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cabdullaahi Maalin Sufurow, isaga oo u magacaabay mas’uul cusub oo beddalaya xilkaasi.
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo in muddo ahba wajahayay diidmo adag.
“Waxaa Mudane C/laahi Axmed Maalin laga qaaday “Xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan”. ayaa lagu yiri wargeetada kasoo baxday xafiiska Cali Guudlaawe.
Sidoo kale waxaa isla wareegto xil loogu magacaabay gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye, oo HirShabelle ka haayay xilka Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Duulista iyo Hawada ee maamulkaasi.
“Waxaa Mudane Salaad Muuse Wehliye loo magacaabay “Xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri.
Lama sheegin weli sababta rasmiga ee xilka looga xayuubiyay guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Cabdullahi Sufurow, oo xilkan hayay tan iyo bishii Juun ee sannadkii hore 2023, markaas oo uu baddelay Cali Jeyte Cismaan, oo markii danbe loo magacaabay taliya Macawiislayda uu u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh.
Cabdullahi Sufurow, ayaa muddaba la daala dhacayay mucaaradad xooggan oo kaga imaanaysay qaar kamid ah, siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte, oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay ee bishii Juun sannadkii hore.
Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Beledweyne laga saaray maamulkii taageersanaa HirShabeelle, kaddib markii uu dagaal culus la galay maamulka kale ee la baxay ‘Hiiraan State’ isku magacaabay.
Khilaafkan ayaa in muddo ah, taaganyahay taasoo keentay Waxgaradka gobolkaasi in ay aad uga biyo diidan yihiin awood qeybsiga Maamulka Hirshabeelle.