Fiqi oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Mareykanka

Fiqi oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Mareykanka

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaaladaa Muqdisho kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Richard Mr. Richard H. Riley.

Fiqi, ayaa Danjiraha u muujiyay farxad isagoona u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha uu u igmaday dalkiisa.

Wasiir Fiqi, ayaa sidoo kale Danjiraha u sheegay in ay tahay howsha laga sugayo xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga.

Joe Biden u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya, bishii March ee sannadkan Danjire Richard H Riley, waxa uuna beddelay Larry André Jr. oo xilkan hayay laba sano.

Richard Riley, waa diblomaasi muddo kasoo shaqeynayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, waxa uuna hayay markii la magacaabayay xilka la-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Danjirihii hore ee Larry André Jr ayaa waxaa lasoo magacaabay 16-kii April 2021, isaga oo beddelay Donald Yamamoto, oo isna ku dhowaad 2 sano xilka hayay.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa dib loo furay 2-dii October 2019-ka iyadoo xirneed ku dhowaad 30 sanno.

Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa tababarta ciidamada Danab ee Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican ee Soomaaliya ay hadda leedahahay.