Firdhiye “Dib u eegimayno wixii dhacay balse waxa aan u sahan-tagaynaa Mustaqbal & Horumar”

Firdhiye “Dib u eegimayno wixii dhacay balse waxa aan u sahan-tagaynaa Mustaqbal & Horumar”

Muqdisho (Raxanreeb) — Hoggaamiyaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo horumarka iyo jiheynta Mustaqbal u wanaagsan Shacabka ku sugan Sool, Sanaag & Cayn.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in Shacabka Laascaanood ay ka go’an tahay ka gudubka dhibaatooyinkii ay soo mareen xiligii uu socday Dagaalka SSC-Khaatumo & Ciidanka Somaliland ee soo billowday Febaraayo 2023.

Firdhiye ayaa carrabka ku adkeeyay in Shacabka uu wakiilka ka yahay ay doonayaan xoojinta wadajirka, midnimada iyo ka gudubka waxyaabihii dhacay muddooyinkii u dambeeyay iyo waqtigii hore waa sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga oo ka wakiil ah Shacabka ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo ee aan hoggaamiyahooda ahay Dib u eegi mayno wixii dhacay balse waxa aan u sahan-tagaynaa Mustaqbal & Horumarka Jiilka soo socda si aan ugu abuurno Nolol & Iftiin wanaagsan, waxa aan marqaati gashanayaa in aan qayb ka ahayn kana ahaan doonin kala go’a Soomaaliya, reer SSC iyo Reer Laascaanood way ka yimaadeen kala go’ii” Cabdulqaadir Firdhiye.

Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali ayaa muddooyinkii dambe kulamo kala duwan waxa uu Magaalada Muqdisho kula qaadanayay Madaxda Dowladda Federaalka iyo xubno kale.