GALMUDUG : Nin ka baxsanayay  xabsiga Guraceel oo la toogtay

GALMUDUG : Nin ka baxsanayay  xabsiga Guraceel oo la toogtay

Guraceel (Raxanreeb )- Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada guriceel ee gobolka galguduud nin Kamid ahaa maxaabiista lagu hayey Saldhiga Booliiska magaaladaas oo isku dayey in uu ka baxsado xabsiga ayuu rasaas ku furay mid kamida ilaaladu.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xiddig Cali Khaliif ayaa u geeriyoodey rasaastii uu askari waardiyaha ihi ku riday sida ay xogaha magaaladaas ka imaanayaahi tibaaxayaan.

dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xili jimcihii lasoo dhaafey la sheegay in xabsiga Guriceel ay ka baxsadeen dhowr maxbuus oo ku xukunnaa min dhowr sano oo xarig ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.