Galmudug oo Go’aan cusub kasoo saartay dagaal Beeleedyada

Galmudug oo Go’aan cusub kasoo saartay dagaal Beeleedyada

Muqdisho (Raxanreeb) Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Jabril Ibraahim Cabdule ayaa Magaalada Nairobi uga qeybgalay Xuska Sanad guurada 26 June .

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Khudbad uu ka Jeediyay munaasabaadaas ugu baaqay Soomaalida in ay Midoobaan gacmaha is qabsadan isna garab istaaagaan.

Dhanka kale Madaxweyne Kuxigeenka Ali Eid ayaa Baaq nabadeed u diray Beelaha Walalaha ah ee ku diriray Gobolada Galgaduud iyo Mudug Waxaana uu Guul u rajeeyay Gogasha Nabadeed ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaariye Qoorqoor ee ka furantay Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb.

Leave a Reply

Your email address will not be published.