Galmudug oo sheegtay kooxo burcad inay dhibaayo ku yihiin amniga gobolka

Gaalkacyo (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed shire Bukhaari ayaa sheegay in amniga guud ee gobolka Mudug ay duullaan ku yihiin Saddex kooxood oo isbaheystay, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin amniga gobolka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dhibaatada amni darro ee kajirta gobolka Mudug ay sabab u yihiin Ururka Al-Shabaab iyo kuwo dano gaar ah leh, kuwaas oo uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed shire Bukhaari ayaa ugu baaqay Bulshada Gobolka Mudug inay ka qeyb qaataan sidii loo sugi lahaa amniga Gobolka Mudug.

Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhaca inta badan falak amniga liddi ku ah, kaasoo ah dilal oo inta badan aanooyin qabiil loo aaneyo iyo Ururka Al-Shabaab oo dil ka geysta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.