Ganacsato loo haysto denbiyo adag oo la hor keenay Maxkamadda Gobolka Banaadir

Muqdisho (Raxanreeb) — Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Saleebaan Maxamed Maxamuud oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisa uu Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay ganacsato iyo shirkado loo haysto kiis xasaasi ah, kuwaas oo maalmo kahor lagu soo qabtay howlgal qorsheysan uu ka dhacay Bakaaraha.

Ganacsatadan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay iibanayeen raashin iyo cabitaano dhacay, kuwaas oo halis ku ah bulshadeena.

Sidoo kale xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in ganacsatadan iyo shirakadaha ay jawaano iyo taariikh cusub siiyeen cunooyinka iyo cabitaanada dhacay.

“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaaditr 9 eedeysane iyo shirkado lagu soo xiray ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay, ayaga oo jawaano iyo taariikh cusub siinaya,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer-ilaalinta.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Marka ay baarista soo dhammaato waxa uu xafiiska eedooda u gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh”.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale digniin culus u diray cid kasta oo ku howlan kaydinta iyo ka ganacsiga raashinka dhacay oo halis ku ah bulshada.

Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa farriin gaar ah u diray dadweynaha Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyay inay arrintaan kala shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

‘Wuxuu xafiisku ku boorinayaa bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo soo afjaro falalka khatarta ku ah bulshada,” ayaa markale yiri qoraalka.

Ugu dambeyn Xeer Ilaalinta ayaa boggaadisay dadaalka hay’adaha ammaanka ee dowladda oo howlgal ay ka sameeyeen Bakaaraha kusoo qabtay ganacsatada la geeyay maxkamada.