Farmaajo & Deni ma isku safbaa ? –siyaasadda is rogrogta ee Soomaaliya

Farmaajo & Deni ma isku safbaa ? –siyaasadda is rogrogta ee Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb ) Farmaajo iyo Deni waxay ahaayeen ka hor inta xilka uusan banayn Madaxwayne Farmaajo dab & basiin aan la isku soo dhawayn karin , waxayna gaarsiisanayd khilaafkooda heer fagaarayaasha lagu soo bandhigo.

Marna isku saf ma ahayn Deni iyo Farmaajo , taas bedelkeena waxay bah wadaag siyaasadeed ay ahaayeen , Madaxwaynaha hadda talada dalka haya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxay isku aragti ka ahaayeen labada sidii xukunka loogu tuuri lahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markii ay ku guulaysteen in meesha laga saaro oo ugu danbeyna ,  waxaa markale soo laabtay  Xasan Sheekh Maxamuud .

Madaxwaynaha hadda jooga xukunka waxa uu xiligaas aad u dhalacayn jiray siyaasada maamul goboleedyada ay ku wajahayso Dowladdii Farmaajo oo ay is diidanayeen maamulada Jubbaland iyo Puntland kuwaas oo Dowladda ay ka dhaqaaqi wayday.

Xasan waxa uu ku celcelinayay in rabitaanka dadka ay taageerayaan , taa soo uu gacan kaga heli jiray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo labaduba isbahaysi wanaagsan ay lahaayeen Xasan Sheekh & Sheekh Shariif.

Markan siyaasadu way is rogtay oo waxa Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud uu ka digay doorashada Puntland ee qof iyo cod in ay keeni karto khalaalase aan laga soo kabsan karin.

Hadalkan waxa uu aad ugu  careysiiyay , Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo la sheego in doorashadan dano gaar ah uu  isaga ka leeyahay , waxase  mar qura taageeray go’aanka Deni Farmaajihii shalay ay is hayeen.

Puntland  hadalka Farmaajo waa ay la dhacday oo waxay muujisay in hadalkaas uu yahay gar , hase ahaatee waxa Dowladda uu ku  yahay falaar wadnaha lagaga taagay.

Farmaajo sanad badan ayuu xafiiska ka sii maqan- yahay wase markii ugu horeysay oo hadal sidan oo kale ah oo siyaasadda la xiriira uu sheego  taasna siyaabo badan ayay dadku u fasirteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.